Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dab gaystay khasaare nafeed iyo mind hantiyeed oo xalay ka kacay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah u qabsaday guri ku yaalla xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, wuxuuna kacay abaare 4:00 subaxnimo.
Ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.
Sidoo kale waxaa lasii raaxiyay “Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista”.
Gabagabadii ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay dhibaatada kasoo gaartay dabka ka kacay xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax