Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weeraray AS Duleedka waajid’

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay fuliyeen ciidamadeeda in ay ku beegsadeen goobo ay ku tilmaamtay in ay isku uruursanayeen ‘AS’ oo dhaca Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamadaan howlgalka fuliyay ayaa helay xogo la xiriira dhaqdhaaqa ay samaynayeen dagaalamayaasha katirsan ‘AS’ waxaana ay iska kaashadeen ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Dadka deegaanka.

Dowladda ayaa soo bandhigtay Sawirrada goobaha howlgalkaan uu ka dhacay, ciidamada ayaa si feejignaan ay ku dheehan tahay waxa ay ku gaareen qaybo kamid ah deegaannada duleedka Waajid dhaca ee howlgalku xooggiisu ka fuliyeen.

 

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Gobollada Baay iyo Bakool waxaa ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & Dadka deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan.