Soomaaliya & Hindiya oo kawada hadlay Arimo Muhiim ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Xoghayaha Wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Hindiya Dr Sureh Kumar ayaa kawada hadlay fududaynta Dal ku galka Dalkaas.

Fiqi & Kumar ayaa diiradda saaray xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya si gaar ah fududaynta adeegyada Soomaalida ugu baahan tahay Dalkaas sida Caafimaadka & Waxbarashada kana shaqeeyaan labada Dowladood.

Qoraal kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in kulankaan diiradda la saaray sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen waxyaabihii ay kawada hadleen.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay kulamada ay yeelanayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, waxyaabaha ugu badan ay kawada hadleen waxaa kamid ah Xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga dhinaca badda & fududaynta Dal ku galka (Visaha).