Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacada berri go’aan ka soo saari doonta mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee garsoorka Soomaaliya soo mara, waana xukunka Sayid-cali Macalin Daa’uud oo gubay xaaskiisii.
Maxkamadda ayaa horay u mudeysay inay Arbacada soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskaas, xilli meydkii gabadha uu qaboojiye ku jiro muddo bil ka badan.
Labo ayuu mid noqon doonaa xukunka berri ka soo bixi kara maxkamadda, ‘in dil toogasho ah lagu xukumo Sayid-cali’ oo ka dhigan qisaasta gabadhii uu gubay iyo in xabsi lagu xukumo, laguna amro inuu bixiyo diyadii gabadha.
Arrinta ugu daran waa qaneecada reerka ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis, maadaama ay cidaas weli qaboojiyaha ugu jirto gabadhii oo meydka in ka badan bil.
Reerka gabadha ayaa ku adkeysanaya in meydka aan la duugi doonin ilaa ay cadaalad ka helaan, taas oo ka dhigan in hadii xukunka berri soo baxaya ay ku qanci waayaan uu meydku ku sii jiri doono qaboojiyaha.
Kiiskaan waa kii ugu adkaa oo inta la xusuusto soo maray garsoorka Soomaaliya, waa nin xaaskiisa gubay, geeri meesha ka dhacday iyo marqaati la’aan jirta, dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku wadahaya kiiskaan, qof kastana wuxuu sugayaa go’aanka berri ka soo bixi doona maxkamadda gobolka Banaadir.