Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, isla markaana aad u qalabeysan ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo booliska HirShabelle ayaa ciidamadan kula hadlay barxadda degmada Farlibaax, halkaas oo ay kusoo bandhigeen dhoolatus milatari.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan ee HirShabelle Isaaq Cali Cabdulle, kaas oo sheegay in ciidamadan cusub ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada dhaca galbeedka.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Korneel Maxamuud Ibraahim Baakaay oo dardaaran u jeediyay ciidamadaasi.
Bakaay ayaa sheegay in hubkan tirada iyo ciidamadan cusub loo diyaariyay inay xoreeyaan deegaanada ay haatan maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.