Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta soo gaaray saraakiil sare oo ka socda dowladda Turkiga.
Saraakiishan kala duwan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya ee taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigan kulan xasaasi ah kula qaatay xarunta taliska ciidanka xoogga dalka.
Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta ciidamada milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ahaa heshiis difaac iyo mid dhaqaale.
Sidoo kale shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka badda ee XDS Admiral, Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Heshiiska oo uu saxiixay madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.
“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.