Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka warbixiyay xaalada maliyadeed ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in uu socdo horumar muuqda oo dhinaca Dib u habaynta Maaliyadda Dhaqaalaha isla markaana dib u hagaajin lagu sameeyay Dakhliga Dalka.

Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haysato fursado kala duwan oo ay ku garab taagan yihiin Hay’ado ay kamid tahay Tan Lacagta Adduunka qaabilsan ee IMF loosoo gaabiyo iyo dhinacyo kale.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayuu sheegay in ay adeegsanayso dhammaan dhinacyada lagu horumarinayo dakhliga gudaha si dhaqaalaha Dalka uu sare usoo qaadmo dayn cafintii kaddib sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dhinaca kale sheegay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in 10kii sano lasoo dhaafay laga sameeyay Warbixin muujinaysa horumarkii laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha Dalka, isla xisaabtanka, daah-furnaanta & dhinacyo kale.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo joogta ah waxa ay la qaadataa wakiilo iyo madax ka socota Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, Bangiga Adduunka & dhinacyada kale ee shaqo wadaagga yihiin.