Wararka naga soo gaaraya SSC-Khaatumo ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan maamulkaasi oo haatan dagaal adag kula jira Somaliland.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa Jimcihii shalay iyo maanta oo Sabti ah lagu arkay meelo ka mid ah dhulka SSC, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ay dalbatay Somaliland, sidaasna lagu geeyay qaybo kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka.
Ujeedka ayaa ah inay halkaasi ka ilaaliyaan amniga guud ee Somaliland, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo ku dhow laamaha ee maamulka Hargeysa.
Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaynara arrintan kusoo aadeysaa, ayada oo dhowaan hoggaamiyaha kMG ah ee SSC-Khaatuma Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye uu ka digay in ciidamo Itoobiyaan lasoo dul dhigo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.