Howlgalkii Ka dhanka ahaa kooxda AS ee Galmudug oo fashil u muuqda.

Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku shahiideen ee laga xoreeyey Khawaarijta ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa isku eedeynaya qorshaha bixitaanka ciidamada soo baneeyey furimihii dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano muhiim ah oo waqti badan iyo dhiigga rag qaali ah lagu bixiyey sidii loo xoreyn lahaa.

Halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.

Halgankii wadanka looga xoreynayey argagixisida ayaa fashil ku dhow, Mudug waa soo faarujiyeen ciidamadii hor taagnaa cadowga, halka cabsi badan laga qabo in laga soo baxo deegaano hor leh oo Ceeldheer, Ruunirgood, Daarunicma iyo Al-kowthar ay ku jiraan.

Al-Shabaab waxay soo galeen oo si nabad ah kubqabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada Al-Shabaab.