Ciidamada Jabuuti oo Baneeyay Saldhigyadii Ay ku lahaayeen Baladweyne iyo Xiisad ka tagan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa ka gaaray dhammaan xarumihii ay ku lahaayeen bartaha magalaadaas oo xarun ah gobolka Hiiraan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah.

Cutubyo ciidanka Jabuuti ee ka baxay magaaladan wayn ayaa ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne, waxayna halkaasi ka howlgalayeen muddo aad u dheer oo ka badan 10 sanadoood.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in goobaha ay ka guureen ciidamada Jubuuti ay la wareegeen ciidamo kala taabacsan HirShabelle iyo maamulka la baxay Hiiraan State.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedol laga dareemayaa qaybo kamid ah degmada Beledweyne iyo duleedkeeda.

Beledweyn ayaa waxaa in muddo ah ka taagan khilaaf maamul iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeyay siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle.