Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.
Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara.
Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sida Wasaaraddiisu ay ahmiyadda gaar ah u siiso u ololeynta xaaladda Qaxootiga iyo sida ay ugu guulaysatay in loo helo sharci dhaqangal ah.