Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii hoteelka SYL.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee hoteelka SYL, kadib markii goor sii horeysay lasoo afjaray weerarkaasi.

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa saddex saddex askari.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda amni ee hoteelka iyo agagaarkiisa ay sidii caadiga aheyd kusoo laabaneyso, “Nabad-gelyo fiican ayaa jirta hoteelkii nabad weeyi, Xildhibaannadii iyo intii hoteelka daganeyd dib ayay ugu noq-noqonayaan.”

Booliska ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku gaareen hoteelka ay saacadaha badan ka dagaalamayeen, maadaama uu ku yaallo irrida Madaxtooyada Soomaaliya.