RW xukuumada oo booqdey dhawacyada weerarkii hotel SYL.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaalka Erdogan, ex Digfeer ayaa ahayd si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay habeen kahor ku qaaday hotelkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa  ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada,  isaga oo allw uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Dhanka kale, waxaa isna isbitaalka tegay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo soo kormeeray xaaladda dhaawacyada oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano, afhayeenka madaxtooyada iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kalewaxa uu boggaadiyay ciidamada ammaanka soo afjaray weerarka, kadib howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay halkaasi.