Ciidamada DF Soomaaliya oo howlgal ku dilay horjoogayaal katirsan kooxda AS.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta Mudug, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid aad qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, kadib markii ciidamada huwanta ay waddada u galeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Magaca horjoogaha la dilay ayay dowladda ku sheegtay  Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde), waxaana lala dilay sarkaal kale oo ajnabi ahaa iyo 5 xubnood oo ilaalo u ahaa.

Ciidamada howlgalan qaaday oo markii hore ka baxay Xarardheer ayaa dib usoo laabtay, kadib markii ay soo dileen sarkaalkaas iyo ilaaladiisa.