Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta koonfureed ee Galmudug waxaa habeenkii lixaad ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidan ka kooban saddex qayb, laguna sugayo ammaanka guud ee magaaladaas oo xarun u ah gobolka Mudug.
Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir u sameynaya ciidanka booliska, nabad-sugidda, asluubta iyo kuwa xasilinta ee ka howlgalka gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Ujeedka howlgallasa ayaa waxa uu yahay sidii ay nabad ugy afuri lahaayeen shacabka, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dhibaatada ay kooxaha ciyaal weerarada ku hayaan magaalada, isaga oo farriin u diray waalidiintooda.
Howlgalladan oo sidoo kale lagu beegsanayo cabtoyda iyo ma soomayaasha ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.