Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Deegaanka ee Macawiislayda ayaa howlgallo cusub dib uga billaabay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle si ay gacanta ugu dhigeen magaalooyinka ay ‘AS’ Ku sugan yihiin.
Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa socdaal isaga kala gudbay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle si loo dardargeliyo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.
Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa saraakiisha ciidamada uu la kulmay kala hadlay sidii ay u kordhin lahaayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si deegaanno qaarkood ay horay isaga baxeen ciidamadu dib ugu laabtaan.
Taliyaha guutada 19aad ee Gumac Ilaalo qaran Taliye Hurdaaye ayaa sheegay in Taliye Ibraahim uu faray waajibaad ku qasbaya in ay gacanta ku dhigaan Galcad, Ruun-nirgood iyo deegaannada kale ay joogaan ‘AS’ oo qaarkood horay mar u qabsadeen ciidamadaan iskaashanaya.
“Waxaa Daarul-nicma noogu yimid Taliyaheenna Xoogga oo Amar nagu siiyay in aan Cadawga ka saarno deegaannada nagu dhow sida Galcad, Ruun-nirgood & deegaannada kale innaga oo kaashanayna Dadka Deegaanka, waa in aan gacanta ku dhigno Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah” Ayuu yiri Taliye Hurdaaye.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay dib u abaabulayso howlgallada Ciidamada Iskaashanaya ay markale dib ugu qabsanayaan deegaanno dhowaan ay isaga baxeen balse haatan ay ku sugan yihiin ‘AS’.