Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u nasteexeeyey madaxweyne Farmaajo, isagoo kula taliyey in dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyey xukunkiisa uu cafis weydiisto, inta lagu jiro bishaan qiimaha badan ee Ramadaan.
Inkastoo magaca Farmaajo uusan carrabkiisa ku dhufan, hadana Xamza Cabdi Barre wuxuu soo tiriyey qaar ka mid ah gabood-falladii ay geystay dowladii Farmaajo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu weli iskula saxan yahay.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in mudadii ay raggaas uu kooxda Farmaajo kala jeedo ay xukunka joogeen ay dalka ka geysteen jariimooyin uu ka xusay in madaxdii hore ee dalka shil diyaaradeed loo qorsheeyey, in kabaha lagu aasay dad la laayey oo dabcan uu kala jeeday askartii lagu laayey guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.