Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.
Madaxweynaha oo ah Ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka ayaa tilmaamay in Dastuurkan uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey dhamaystirka Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan, xubnaha labadda gole ayaa saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeisa.
Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah,Guddoomiyaha golaha shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.
Wax ka beddelka iyo dhamaystirka dastuurka ayaa qoddobada ugu muhiimsan waxa ka mid ah in haykalka xukunka loo guuray Madaxweyne ay Shacabka Soomaaliyees toos u soo dooranayaan iyo Ra’iisul wasaare uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale asxaabta Siyaasaddu noqdaan Saddex Xisbi Siyaasaddeed.