Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.
Kadib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa beesha caalamka, sida lagu yiri qoraal goordhoweyd kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa la wadaagay Qaramada Midoobey qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland, kaasi oo ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kagala laabteen hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Kulankaan ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, uuna qaadacay tallaabadi uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba, Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee u horreysay dastuurka.