NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badnaa ee iso soo dhiibay

Ciidanka NISA ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood, kana soo goostay kooxda arxanka daran ee Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.