Soomaali muhaajiriin ah oo ku dhimatay dalka Libya

Ugu yaraan 19 qof oo Muhaajiriin Soomaali, Eriteria iyo dalal kale isugu jira ayaa ku geeryooday dalka Libya kadib markii Baabuur nuuca xamuulka ah oo ay saarnaayeen uu rogmaday.

Saraakiisha Caafimaadka iyo kuwa ammaanka dalka Libya ayaa sheegay in shilkan ay ku dhaawacmeen 28 qof oo kale kuwaasi oo rag iyo Dumar isugu jira.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Binu Waliid ayaa sheegay in Gaarigan dadka Tahriibayay ay saarnaayeen uu ku rogmaday meel 80-KM Koonfur ka xigta magaaladaasi.

Dadka dhaawac ah ayaa la sheegay in Sideed ka mid ah dhaawacooda uu halis yahay, kuwaasi oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Shaqaalaha Isbitaalka Binu Waliid ayaa sheegay inaanay heynin Darawalkii gaarigaasi waday, islamarkaana aanay ogeyn inuu dhaawac yahay iyo in kale.