Ninkii gubay kitaabka Qur’aanka oo maydkiisa laga helay Guri kuyaala…

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan Dalka Ciraaq ayaa Maydkiisa laga helay Gurigiisa oo ku yaalla Dalka Norway kaddib markii uu dhowaan isaga tagay Dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah Warbaahinta iyo Suxufiyiin si wayn looga yaqaan Dalalka Carabta iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan Ciidamada Booliiska Norway.

Falcelin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay in dareemay cabsi xad-dhaaf ah kaddib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.

Salwan ayaa dhowaan si qarsoodi ah isaga tagay Dalka Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaas, waxa uu ka go’ay meelaha Bulshadu ku kulanto sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysanayo.

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan hadalkaan, Dowladda Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loosoo gacangeliyo Ninkaan ku xad-gudbay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah kaddib kolkii uu gubay.