Howlgal lagu beegsaday horjoogayaal katirsan kooxda AS oo ka dhacay Sablaale.

Wararka ka imaanaya degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus loogu geystay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaamadeedsaday howlgalka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah guriga la bartilmaameedsaday waxaa ka socday shir xasaasi ah oo xubno Shabaab ah ay halkaas ku lahaayeen.

Shabaab-ka la duqeeyey waxay ka shirayeen sida ay ka yeelayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka, Haramcad iyo boolis-militeri ay ka bilaabeen aagga deegaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab waxay culeys badan kala kulmeysaa ciidamada dowladda ee ka gudbay xeebaha bari ee Muqdisho, kuwaas oo u sii ruuqaansanaya deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha loo geysanayo kooxda ayaa ah kuwo ay ku naafoobeen, maadaama ay ka quusteen inay meel isugu tagaan oo shiraan ama isku gudbaan oo wadooyin iyo gaadiid ay ku safraan.

Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay furimaha dagaalka ee Galmudug, isagoo balan qaaday inuu dib u abaabulayo dagaalka kooxda, isla markaana ay ka go’antahay in deg deg dalka looga xoreeyo, wuxuuna dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidankii Khawaarijta ka difaacay Xarardheere.