Maamulka Puntland iyo itoobiya oo Yeeshay Kulan ay Sheegeen in ay gaareen Hishiis dhinacyo badan Taabanaaya.

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.