Ciidamada Xooga oo howlgal kawada dhulka howdkaa.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen Ciidanka Ilaalo Qaran ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamada ayaa isku fidiyay dhulka howdka ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen deegaanada Maracadde, Galka Saalimow iyo Garas-wayne oo ah dhul howd ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemaaya howdka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeelaha Hoose, si looga saaro kooxda.