Madaxweyne kuxigeenka dowladda SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa soo booqday una soo duceeyey dadkii ku dhaawacmay dabkii maanta ka dhacay magaalada Balli-Hadhac ee gobolka Sool kuwaas oo la keenay Cusbitaalka weyn ee Caasimadda Laascaanood.
Madaxweynaha kuxigeenka, ayaa warbixin ka dhegaystay Dhakhaatiirta qaybta ICU-ga kuwaa oo la tacaalaya Hooyo ka mid ah dhaawacii maanta, waxa ayna la wadaageen xaaladda bukaanka oo hadda soo kabaynaysa.



