Dowladda Imaaraatka Carabta oo Hay’adda SODMA ka gacansiinaysa daabulidda Gargaar.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA u ballanqaaday in ay dadejinayo taageerada ay u baahan tahay hay’addaas si ay u daabusho gargaar u socda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

SODMA ayaa deeqdaan ay hayso kamid ah kaalmo loogu talagalay in lagu gacansiiyo qoysaska xaaladaha adag wajahaya ee ku sugan Gobollada Dalka si gaar ah waxaa gargaarkaan loo wadaa Gobollada Baay, Bakool oo Koofur Galbeed ah & Gedo oo katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Axmed Jumca Al-Rumaysi oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo dhinaca Gargaarka bani aadamnimada ku saabsan.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta waxa ay safka uga jirtaa Dowladaha Soomaaliya ku gacansiiyay gargaarka bani aadamnimo si loo gaarsiiyo Dadka ku dhibaataysan Gobollada Dalka iyo duleedka Magaalada Muqdisho oo ay degen yihiin qoysas kasoo barakacay Abaarta, Daadadka iyo fatahaadaha is daba-xigay ee dalka soo maray.