Shir deg-deg ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay shir deg-deg ah oo uu maamulka gobolka Banaadir isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka qabsoomay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Inta uu shirka socday waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay guddoomiyeyaasha iyo saraakiisha qeybta bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha ka hadlay goobta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay iyo sidii loogu guuleystay amniga bishii Ramadan iyo maalmaha Ciidul Fidriga.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, walow aysan ahayn sidii hore, maadaama la sameeya isbeddel amni.