Dowladda oo war kasoo saartay cabasho xooggan oo ka taagan Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin isa soo tarayay oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Beeralayda caasimada ayaa dhawaan cabasho xooggan ka muujiyay ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ganacsatada uga cudur daaray culeyska ay kala kulmaan soo gelinta khudaarta ee caasimada ayaa waxa uu ciidamada ka dalbaday in loo fududeeyo baarista kala duwan ay maraan baabuurta sida khudaarta, si looga baaqsado khasaaraha ay ka cawdeen ganacsatada, maadaama ay ku jiraan dalagyo aan muddo badan ooli karin banaanka.

Dhawaan ayay ahayad markii ganacsatada caasimada, gaar ahaan kuwa khudaarta ay cabasho xooggan ka muujiyeen ciidanka ku sugan baraha lagu baaro gadiidka, taasi oo ay sheegeen in muddo lagu hayo halkaasi, islamarkana ay inta badan ka halabaan dalagyadii ay beeraha kasoo gureen.