Khaatumo oo ka carootay tallaabadii dowlada.

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Jaamac “Laascoonood waa Somaliand, haddii la waasho iyo haddii la dagaalamo wax suuragal ahayn yaan lagu daalin”.