Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedayn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu isaga oo dusha ka saaran xiisadda adag ee ka taagan Bariga Dhexe in uu sababteeda uu leeyahay.
Erdogan ayaa intaas ku daray in Israaiil oo garab iyo gaashaan u ah Maraykanka & Dalalka reer Galbeedka in marba waddan ay ku samaynayso xadgudub sidaasina ay ku abuurmeen xasaradaha haatan ka jira Bariga Dhexe.
Recep ayaa tilmaamay in Israaiil ay xasuuq ka gaysatay Magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo Dhulka Falastiin ah sidoo kale ay weerarro gardarro ah oo ay ka fulisay Dalal kale kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Soo gabagabaynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxa uu fure uga dhigay in marka hore Israaiil ay joojiyo xasuuqa ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza oo ah goobta tacadiga badan ay ka gaysatay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer waxa uu ka gaabsada la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka sabab la xiriirta in Washington ay Israaiil ku garab-taagan tahay dhibaatooyinka ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin.