Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, islamarkaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso Dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay Dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.
Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.
R/wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda, Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.
Kormeerka uu Ra’iisul Wasaare Khayre u tagay Dekadda Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshaha isla xisaabtanka Xukuumadda, si loo dhaqan geliyo hanaanka casriga ah ee dowlad wanaaga.