Isla xisaabtanka amniga oo bilowday iyo kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo xasaasi ah.

Kulankaan oo looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay saraakiisha laamaha amniga in xooga la saaro dar-dargelinta amniga caasimadda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay saraakiisha amniga ee kulankaan qeybta ka ahaa in laga hortago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka gobolka Banaadir.