Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen agagaarka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada18-aad ee Gorgor waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gaaray deegaanno ay kamid yihiin Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe iyo Beerayabal oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.
“Howlgalkan ayaa lagu badi gobayay xubno katirsan khawaarijta oo ku dhuumaaleysaneyey deegaanada laga sameyay howgalka ee jiinka wabiga ayaa kla ah Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe, Beerayabal iyo deegaano kle oo dhowr ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Buuloburde oo fariisin u ah ciidanka dowladda.
Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana halka uu kasoo billowday halganka xoreynta ee haatan ka socda gobollada dalka.