Waddamada Carabta iyo kuwa bartamaha Aasiya ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan culus kasoo saaray heshiiska badda ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya oo xad-gudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, kuwa Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyada Azerbaijan oo yeshay kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga ee waddamadan ayaa waxaa looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.
Kulankan waxaa goobkoog ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit.
1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.
2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.
4- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.
6- Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen