Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiir Ku xigeenka Caddaaladda ee dalka Turkiga Niyaz Acar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb uu ka yahay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
Ku xigeenka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Saalax ayaa ku ammaanay kaalinta muhiimka ah bahda caddaaladdu ay ku leedahay iskaashiga istiraatijiga ah ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Wasiir ku xigeenka Caddaaladda dalka Turkiga Niyaz Acar, ayaa isna uga mahadceliyay golaha Wasiiradda Soomaaliya ansixinta heshiisyada afarta ah ee ay hore u kala sexiixdeen labada Wasiir Caddaalada ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa waxaa Kulanka ku weheliyey Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo wasiiru-dowaha wasaaradda, Avv. Muumino Sheekh Cumar.