Saraakiishii ugu badneyd ee Al-Shabaab oo hal goob lagu Dilay.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo bartilmaameed ahayd ayaa u dhacday sidii loo qorsheeyay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobolkaasi.

Afar gantaal oo culus ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo qaarkood lala helay xarunta ay ku shirayeen saraakiisha Al-Shabaab, halka kuwa kalena lagu burburiyay gaadiid ay lahayd kooxda.

Waddamada illaa iyo hadda la shaaciyay saraakiisha ajnabiga ah ee la dilay waxay kasoo kala jeedaan dalalka Kenya, Suudaan, Yemen iyo waddamo kale.

Sidoo kale saraakiil kale oo Soomaali ah ayaa lagu khaarijiyay duqeynta, kuwaas oo fadhiyay shirka, xilliga la duqeynayay degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda oo ku aadan duqeyntaasi uu khasaaraha badan kasoo gaaray dagaalyahanadeeda, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran.

Duqeyntii u dambeysay ayaa waxa ay ka dhacday tuulada Furuqley oo hoostegta degmada Qoryooley, taas oo lala eegtay meel ay isbaaro u tiilay Al-Shabaab, halkaas oo khasaaro lagu gaarsiiyay, sida laga arkay muuqaalka duqeyntaas oo ay shalay soo bandhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.