Shirka Maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas furay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi.
Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay qorbajoog Soomaaliyeed oo kala timid daafaha caalamka, kuwaas oo qorsheynaya inay maalgashadaan dalkooda Hooyo, halka dowladda Soomaaliya ay ku dhiirigelisay, kuna garab istaagtay go’aankooda.
Shirkaan oo la qorsheeyey in hal maalin uu ka socdo Muqdisho ayaa waxaa galabta soo xiray Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal, isagoo u mahad-celiyey masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay shirka oo la isku dhaafsaday afkaaro kala duwan oo ku saabsan sidii qurbajoogta Soomaaliyeed ay dalkooda u maalgasha lahaayeen.




