Maxkamadda Racfaanka oo mar kale bilowday dhageysiga kiiska SAYID-CALI MACALIN DAA,UD.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhiga saddexaad ka yeelaneysa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maanta ayaa qorshaha waxa uu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.

Dooddan ayaa si toos ah loogala socon doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.