Wafdi sare uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in magaalada Manama ee dalka Bahrain uga qeyb galaan shir madaxeedka 33-aad ee wadamada Carabta.
Shirka ayaa caasimadda Bahrain ka furmi doona May 16, 2024-ka, iyada oo halkaas isugu imaan doonaan dhammaan hoggaamiyayaasha dalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta, iyaga oo halkaas ka jeedin doonaan khudbado kale duwan.
Shirka inta uu furmin ayaa la qorsheenayaa in uu dhaco shir hordhac u ah shirka kaas oo u dhaxeeya Wasirrada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo gorfeen doona ajandaha shirka oo ay ka wada hadli doonaan madaxda dalalka.
Soomaaliya shirkaan waxaa uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, waxaana la filayaa in uu halkaas ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa sida; dhaqaalaha waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, xaaladda Qasa iyo xaaladda guud ee Soomaaliya.