Qaraxyo lagu weeraray magaalada baydhabo.

Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay magaaladaasi ka dagan yihiib mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas.

Weerarka koowaad ee qaraxa ah ayaa waxaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar, waxaana kadib xigay ka hortag ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa saaka baaritaano dheeraad ah ka wada Baydhaba, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Baydhaba ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo weeraro ay soo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab oo go’doomin ku haayo magaaladaas iyo deegaanada kale ee maamulka Koonfur Galbeed Soonaaliya.