Saraakiil sare oo ka tirsan Miletariga dalka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadanka milatariga dalka Jabuuti oo uu horkacayo Gaashaanlle Sare Cabdiraxmaan Cabdi Dembil ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo kulan la yeeshay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta ATMIS ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar, Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiim Yuusuf, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika  ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mo Elamine iyo Sarreeye Guuto Kindu Gezu oo ah Taliyaha Ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ku saabsan xaaladda amniga, qorshaha dhimista ciidamada ee howlgallada ATMIS iyo wajiga 3-aad ee dhimista ciidamada ee ATMIS.

Kulanka ayaa hoosta looga xarriiqay dadaallada iskaashi ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya ee ku aaddan howlaha ATMIS, iyadoo xoogga la saaray sidii ay uga go’an tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Jabuuti waxa ay ka mid tahay dalalka ay ciidamadooda Soomaaliya ka joogaan, kuwaas oo ka mid ah holwgalka ATMIS ee hadda la doonayo in la soo idleeyo shaqada ay ka hayaan Soomaaliya, waxaana la filayaan in dhammaadka sanadkaan ay ka baxaan guud ahaan dalka.