Ciidamada Amniga PUNTLAND oo gacanta ku dhigay nin katirsanaa kooxda….

 Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo.

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Goobta waxaa lagu bandhigay gaari Langarusal ah oo la sheegay inuu isku qarxi rabay iyo miinooyin aad u badan, balse lama sheegin hadii ay jiraan weerarro uu ninkaani horay u geystay.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ciidanka fuliyey howlgalkaan ay bixiyeen, ninkaan meesha uu ka yimid, magaciisa iyo goobaha bartilmaameedka u ahaa, midna laguma shaacin warbixintaan.

Qeybo ka mid ah Puntland waxaa ka dagaalama Al-Shabaab, qeyb kale waxaa joogta Daacish, kuwaas oo mararka qaar ayagu is weerara, maadaama Shabaab iyo Daacish aysan heshiis aheyn, dhulka ay joogaan Puntalnd, waa buuraley aan lagu weerari karin oo deegaano fog fog ah.