Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si gaar ah Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dishay sarkaal katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Xaaji Eenoow.
Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in howlgalkaan la fuliyay kaddib markii macluumaad dhammaystiran ay ka heshay xubintaan oo ugu dambayn lagu beegsaday deegaankii uu ka joogay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi oo ah Taliyaha Ururka 26aad, guutada 6aad ee qaybta 60aad Xoogga Dalka ayaa sheegay in si dhow ay ula socdeen dhaqdhaqaaqa iyo xogta Cabdulqaadir Xaaji Eenoow oo ah sarkaalka howlgalkaan lagu dilay.
Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo xooggan oo ay sameeyeen ciidamada Dowladda Federaalka halka deegaannada qaar ay ka dhaceen weeraro duqaymo ah.