Ciidanka Amniga Puntland oo qabtay hub Culus..

Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada qaabilsan iaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda.

Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas.

Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo ku guuleystay howlgalkooda.

Ciidanka ayaa qabtay hubkaan xilli ay ku jireen howlgal dhanka badda ah oo xeebaha gobolka Bari ay ka wadeen, waxaana la sheegay inay sii heleen xogta ragaan lasoo qabtay.

Hubkaan waxaa loo maleynayaa in Puntland laga soo geliyey dhanka dalka Yemen oo hubku uu qiimo jaban ka joogo, maadaama uu dalkaas burburay oo kala dambeyn aysan ka jirin, kooxo hubeysana ay ka dagaalamayaan, sida Xuutiyiinta oo taageero adag ka hela Iiraan.