Madaxweynahii dalka Iran, Ibrahim Raisi, oo ku geeriyooday shil diyaaradeed asaga iyo masuuliyiin kale oo lasocday oo ka dhacay gobolka Varzaqan ee waqooyiga-galbeed ee Iran.

Allaah ha u naxariisto Madaxweynahii dalka Iran, Ibrahim Raisi, ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Varzaqan ee waqooyiga-galbeed ee Iran, Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, iyo mas’uuliyiin kale ayaa la saarnaa diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ahayd, Diyaaradan waxay ku sii jeeday xadka Azerbaijan ka dib booqasho ay ku tageen halkaas.
Shilka ayaa dhacay goob buuraley ah oo fog, taasoo adkaysay hawlaha samatabbixinta. Warbaahinta dawladda Iran waxay sheegtay in aysan jirin cid ka badbaaday shilkaasi. Burburka diyaaradda ayaa la baadi goobayey saacado badan ka hor intaan la xaqiijin dhimashada Raisi iyo dadka kale ee la socday.
Ebrahim Raisi wuxuu ahaa madaxweynihii siddeedaad ee Iran tan iyo 2021, wuxuuna hore u soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Garsoorka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Iran. Wuxuu sidoo kale ahaa musharrax u taagan inuu noqdo hoggaamiyaha sare dalkaasi Iraan.