Boqortooyada Sacuudi Carabiya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Xajka qaabilsan ayaa billowday hubinta kaararka ay haystaan Ajaanibta sanadkaan xajinaysa oo qayb ay ka yihiin Soomaali badan oo qaarkood kol hore sii gaaray Dalkaas.
Waxaa jira awaamiir culus oo la xiriira arrintaan oo ah in la hubinayo kaarka aqoonsiga uu wato Xaajiga si looga hortago Dadka sida sharci-darrada ah ku galaya dalkaas ama aanay marin nidaamka saxda ah sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Awqaafka & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ee sanadkaan xajinaysa la wadaagtay go’aamadaas kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wixii ka dambeeyay sanadkii 2019 waxa ay isbaddel wayn ku samaynaysay arrimaha socdaalka Xajka iyada oo arrintaan sabab uga dhigtay in ay kahortagayso aafo lamid ah xannuunkii Covid-19 ee Dunida saamaynta taban ku reebay.