Siyaasiin Puntland Ah oo muqdisho Kulan kula leh Madaxda Dowlada.

Siyaasiyiin ka tirsan kooxda Aaran Jaan ee Puntland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho oo ay wada-hadal kula leeyihiin dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ragga ku sugan caasimada waxaa ka mid ah; Jeneraal Asad Cabdullaahi Diyaano, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ganacsade Maxamuud Faarax Warsame Shido.

Raggan ayaa wada-hadallo leh mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Imaatinkooda Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeya ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe, oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka dhaadhiciyey ra’iisul wasaare Xamza in taliyaha booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin, oo ay isku beel yihiin xilka laga qaado, laguna beddelo Asad Diyaano, si awood xooggan loo siiyo. Ma cadda haddii Xasan Sheekh uu aqbali doono qorshahan.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan uu dhaqaale ku teegeeray qaar ka mid xubnahan markii ay doorashada la galeen madaxweyne Puntland Saciid Deni, doorashadaas oo looga adkaaday.

Xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kasii daray markii dastuurka lagu sameeyey isbeddel aysan qeyb ka aheyn Puntland.