Sanbaloolshe oo Magacaabis Iyo Xil-kaqaadis Sameeyay,

Agaasimaha Guud ee NISA oo tallaabo culus qaaday ayaa maanta is beddal ku sameeyay hoggaanka hay’adda Nabad-sugidda, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Sanbaloolshe ayaa Taliyaha Nabadsugidda ee  Gobolka Banaadir loo magacaabay C/fataax Shaaweeye, waxaana xilkaas horay u hayay Muxiyaddiin Warbac.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay C/qaadir Xaayow, waxaana xilkaas laga qaaday Gaashaanle Sare Xamdi oo dhowaan uun uu dalacsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan waa tii ugu horreysay ee uu qaaday taliye Sanbaloolshe, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkan, isaga oo beddalay, Mahad Maxamed Salaad.