Nin cusub ayaa dhowaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo faahfaahin badan aan laga helin, balse la xaqiijiyey magacaabistiisa.
Taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab waxaa magaciisa lagu sheegay Guuleed Ilkacase, mana ahan nin wax badan oo faahfaahin ah laga hayo.
Ninkaan ayaa bedelaya taliyihii hore ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Yaasir Jiis, isla markaana ah nin si weyn loo raadiyo xogtiisa.
La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toddobaadkaan magacaabeen sarkaal cusub.
Xuseen oo ka gaabsaday in ninka loo magacaabay Taliyaha ciidamada  Al-Shabaab uu magaciisa sheego, isla markaana faahfaahin buuxda ka bixiyo ayaa xaqiijiyey in magacaabistaas ay dhacday toddobaadkaan.
Dhanka dowladda waxaa ka socda abaabul xoog leh, xeryaha militeri ee Muqdisho ayaa buuxsamay, waxaana maalmaha soo socda la qorsheynayaa inay gobollada dhexe dib uga bilowdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.